Kuuriyada Waqooyi Oo Maraykanka Ugu Hanjabtay Inay Wakhti Kasta Nukliyeer Ku Duqayn Karaan

0
21

North Korea (Tayosame news) Hogaamiyaha Kuuriyada waqooyi ayaa sheegay in dhamaan magaalooyinka mareykanku ay ku jiraan   xayn daabka hubkiisa Niyukleerka . Waxa uu intaa ku daray in uu mar walba keebka laga rido Niyukleerka uu miiskiisa saaran yahay.

Hogaamiyaha kuuriyada waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in hadalkiisu  uu xaqiiqo yahay oo aanu  hanjabaad ahayn. Mr Un ayaa sheegay in iyada oo laga duulayo xaqiiqadaasi in Mareykanka aysan awoodin in ay bilaabaan dagaal ay la galaan Kuuriyada Waqooyi. Balse waxa uu sheegay in Niyukleerka ay isticmaali doonaan oo kali ah haddii ammaankooda khal-khal la galiyo.

Xilli uu jeedinayay fariin telefashinka laga baahiyay oo sanadka cusub uu ugu talagalay ayuu Kim Jong Un waxa uu sidoo kale carabak ku dhuftay hadal nabadeed ,waxa uuna sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadal ay la galaan Kuuriyada Koonfureed.
Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in ergo uu u diri doono ciyaaraha Olambiga ee xagaaga lagu qaban doono Pyongchang -taasi oo horey ay Kuuriyada koonfureed u sheegtay in ay gacan ka gaysan karto dajinta xiisada gacanka Kuuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.