Hargeisa (Tayosame news) Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xalay heegan buuxa la galiyay iyaga oo hawl gallo ay sameeyeen kusoo qabqabtay dhalinyaro tiro badan oo xusayay xuska sanadka cusub ee curtay 2018-ka.
Waxaana sidoo kale ciidamadu ay albaabada u laaben hudheelo ay dhalinyaro tiro badan damacsanayeen inay ku dhigtaan xaflado ay ku xusayaan sanadka cusub ee curtay ee 2018-ka.
Ciidamada Booliska ayaa dhalinyarada ugu badan waxay ka qabqabteen magaalada Hargeysa,iyaga oo ciidamada Booliska Burcona ay dhalinyaro qaarkood kasoo qabteen sida lanoo xaqiijiyay duleedka magaalada Burco oo a y dhalinyaradaasi kooxo u wada socdeen.
Xalay ayay ku beegnayd xuska sanadka miilaadiga ee 2018-ka oo ah sanadka ay wadama aan islaamka ahayn xusaan,waxaana amarkan ay ciidamadu xalay ku qabqabteen dhalinyarada uu kasoo baxay xukuumadda madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.
Sidoo kalena ciidamada ayaa xidhay qaar kamid masuuliyiin hayay hudheelo ku yaala Magaalooyinka Hargeysa Iyo Berbera,kuwaas oo dhalinyaradu damacsanayeen inay xaflado ku dhigtaan.
Ciidamada Booliska ayaa habeenandanbe waxay wadeen hawl gallo ay ku qabqabanayaan dhalinyarada amni darada ku wada gudaha magaalooyinka ee koox kooxda u wada socda.