Somaliya (Tayosame news) Al-Shabaab ayaa xukun dil ah ku fulisay rag ay ku eedeysay iney u basaasayeen dowlado ay ka mid yihiin Kenya iyo Itoobiya.
Fagaare ku yaalla degmada Kurtun-waarey ee gobolka Sh/hoose ayaa waxaa lagu toogtay Shan oo basaasnimo lagu soo eedeeyey.
Qaadiga Maxkamada Al-shabaab ayaa goobta ka aqriyay Xukunka dilka ah ee lagu xukumay Shanta nin ee la toogtay oo kala ahaa:-
1-C/qaadir Cumar Xasan oo da’diisu tahay 23 Jir ayaa lagu eedeeyey inuu la shaqeynayay Maamulka dowladda Federaalka ee degmada Qoryooley.
2-C/qaadir Shukri Xasan oo da’diisu tahay 30 Jir ayaa waxaa isna lagu eedeeyey inuu la shaqeynayay Sirdoonka Dowladda Federaalka.
3-Muxamed Abshir Cali oo da’diisu tahay 35 Jir waxaa isna lagu eedeeyey inuu la shaqeynayey ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobalada Bay iyo Bakool.
4-Cali Axmed Sheekh Cali oo da’diisu tahay 30 Jir waxaa lagu eedeeyey inuu la shaqeynayay Sirdoonka Dowladda Federaalka.
5-Cali Yuusuf Axmed (Jacfar Dheere) ood da’diisu aheyd 36 Jir dowladda Kenya inuu la shaweyn jiray ayaa lagu eedeeyey.
Al-shabaab ayaa degaanada ay ka taliyaan ka fuliya xukuno isugu jira dil iyo kuwo kale oo lagu qaado shaqsiyaad lagu eedeeyo iney basaasiin ahaayeen.