Faro-gelin Uu Imaaradka Carabtu Ku Hayo Doorashada Somaliland Iyo Imaaradka Oo Taageesan Mid Ka Mid Ah Sadexda Xisbi Qaran

0
368

Hargeisa: (Tayosame news) Dadka danta yar ee ku nool Qeybo ka mid ah somaliland ayaa loo qaybiyey mucaawimooyin  islamarkaana ay qeybisay Hay’adda Bisha Case Ee Imaaraadka Carabta iyadoo soo marsiisay NGO la yiraado Khadiija oo ka howlgala Somaliland.

Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliif C/llaahi Axmed ayaa sheegay in la Hakiyay Macawinadii ka dib markii ay soo baxeen Shaki iyo Jahwareer ka dhashay Qeybinta Gargaarka Imaaraadka Carabta uu ugu deeqay Dadka ku dhibaateysan ee Somaliland.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in Dacwo laga soo gudbiyay NGO-ga lagu Magacaabo Khadiija oo qeybiyay Deeq Macawino ah,haddana Sawirtay Dadkii la siiyay Kaadhadhka ay ku helayaan Raashinka,taas oo keentay inuu yimaado Shaki ah in Doorashada Somaliland ay door weyn ku yeeshaan Imaaraadka Carabta,iyagoo Taageeraya mid kamida Xisbiyada Tartamaya si Mas’uulka ay wataan uu u soo baxo,wuxuuna intaas ku daray Wasiirka in Sababta loo Hakiyay Gargaarka uu yahay in la baadho Cabashada timid haddii ay jirtana wax laga qabto,haddii aysan jirina la fasaxo Qeybinta Gargaarka.

Maalmo ka hor ayey aheyd Markii Diyaarad Sidday Kaadhadhka lagu Codeeyo iyo Foomamka loogu talo galay Doorashada oo ay soo sameeyeen Imaaraadka Carabta la geeyay Magaalada Hargeysa,waxaana Xusid mudan in Doorashada Madaxweynaha Somaliland ay dhici doonto Bisha soo socota Ee November.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.