Heerkulka Sydney Oo Heerki Ugu Sareeyey Gaadhay Muddo 79 Sanadood Ah

0
312

Australia (Tayosame news) Magaalada Sydney ee waddanka Australia ayaa waxaa laga dareemayaa kuleylkii ugu darnaa muddo 79 sanno ah iyadoo heerkulka uu gaaray 47.3C (117F) oo ah mid aad u heer sarreeya.

Dadka ku nool deegaanka Penrith ee galbeedka Sydney ayuu dhidid qooyay jidhkooda xilli kuleylku uu saameeyay maanta oo Axad ah.

Dhowr digniino oo la xidhiidha in dab kici karo ayaa lagu shaaciyay deegaanka Sydney oo dhan.

Heerkulka maanta oo Axad ah ayaa waxyar ka yar kuleylkii deegaankaasi ku dhuftay 1939, markaas oo heerkulku uu gaaray 47.8C.

Ciyaartoy ka qeyb qaadanaysay tartan caalami ah oo Tennis ah ayaa waxaa qasab ku noqotay inay ciyaarta soo afjaraan 10-ka subaxnimo xilliga Sydney, kaddib markii kooxaha soo qabanqaabiyay tartankaasi ay sheegeen in heerkulku uu 40C kor u dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.