Markab Shidaal Laga Leeyahay Iran Oo Ku Shuf beelay Badda Dalka Shiinaha

0
570

Iran (Tayosame news) Markab Shidaal sida oo laga leeyahay dalka iran ayaa ku gubtay badda wadanka China kadib markii uu ku dhacay Markab kale oo xamuul siday.

Shilkan ayaa la sheegay in xalay uu ka dhacay meel 300km u jirta xeebta magaalada Shanghia.

Waxaa weli la baadi goobayaa dhamaan shaqaalihii saarnaa markabkaasi oo gaaraya 30 u dhashay intooda badan wadanka IRAN. Markabkan ayaa shidaalka u waday wadanka Kuuriyada Koonfureed.

Markabkan looyaqaan Sanchi ayaa la sheegay inuu weli gubanayo isla markaana laga cabsi qabo in shidaalka saaran oo bada ku daata uu keeno khasaaro baaxadleh oo xeebta soo gaadha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.