Maamulka Puntland Oo Baajiyey Xaflado Waaweyn Oo Muddo Lasoo Qaban Qaabinayey Cabsi Jirta Awgeed

0
633

puntland (Tayosame news) Maamulka Puntland ayaa baajiyey xalay xaflad weyn oo loogu degaaldegi lahaa Munaasabada 8da Janaayo oo ku beegan sanad guuradii afaraad ee ka soo wareegtay markii uu talada Maamulkaas qabtay Cabdiweli Gaas.

Xafladan oo muddo dheer la soo qaban-qaabinayey, laguna qaban lahaa xarunta Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garoowe ayaa baaqatay ka dib amar uu soo saaray Madaxaweyne Gaas sababo la xidhiidha xaalada dagaal ee Puntland ka soo wajahday Dowlada Somaliand.

C/wali Gaas ayaa sidoo kale la sheegay inuu guddi u magacaabay dagaalkii shalay ka curtay degaanka Tukaraq.

Xaflada xalay la baajiyey oo aheyd mid weyn ayaa waxaa ka qeyb geli lahaa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdiga uu horkacayo oo maalintii labaad booqasho ku jooga Magaalada Garoowe.

Ciidamada Dowlada Somaliland ayaa shalay dagaal ku qabsaday degaanka Tukaraq oo gobolka Sool kaasoo ka mid ah degaanada xadka ee labada dhinac ay ku muransan yihiin, waxaana jirta xiisad weyn oo arintaas ka dhalatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.