Labada Kuuriyo Oo Wada Hadal Toos Ahi U Furmay

0
39

Korea (Tayosame news) Wadamada Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa bilaabay wadahadallo heer sare ah, kuwaasi oo looga hadlayo xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal oo horey u burburay,iyadoo kulankaasi uu ka dhacay deegaan ku yaala xadka labada Dal ay wadaagaan oo lagu magacaabo Panmunjom.

Ujeedka ugu weyn ee Wadahadalladan ayaa salka kuhaya macquulnimada sidii Kuuriyada Waqooyi ay uga qaybqaadan lahayd ciyaaraha Olimbigga ee xilaga qaboobaha ee 2018ka, kaas oo bisha labaad ka dhici doona Kuuriyada Waqooyi,waxaana arrintaasi ay soo dedejisay wadahadalo toos ah oo dhexmaray labada dal.

War ka soo baxay Dhanka Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu sheegay in la isla soo hadal qaadi doono dib u soo noolaynta xiriirkii dhinaca Diblomaasiyadda ee ka dhexeeyaya labada Dal,kaasi oo in muddo ah meeshu ka maqnaa.

Xiriirka labada dal ayaa sii xumaaday ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay joojisay barnaamij dhaqaale oo labada dal iska kaashanayeen, arrintaasina waxay timid ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay madaafiic iyo Nukliyeer,wixii xiligaasi ka dambeeyeyna majirin wada hadalo toos ah oo dhexmara labada Dal oo dersi ah.

Xukuumadda Pyongyang ayaa muddadaasi jartay iskaashigii dhinaca Isgaarsiinta ee ka dhexeeyay labada Kuuriyta,taasi oo sii fogaysay xor gufta wadamadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.