Somalia (Tayosame news) Wararka ka imanaya degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in iska horimaad hubeysan oo khasaare dhaliyay uu ku dhex maray ciidamo ka wadatirsan Milatariga Soomaaliya degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in saddex askari ay ku dhinteen iska hor imaadkan mid kalana uu ku dhaawacmay.
Iska horimaadkan ayaa waxaa uu ka dhashay sida la sheegay muran ku saabsan lacago laga qaadayay ganacsatada qaadka keenta, halka warar kale ay sheegayaan in iska horimaadkan uu ka dhashay muran ku saabsan lacago la doonayay in laga qaado gaadiidka ka howlgala degmada Mahaday iyo deegaanada kale ee ku dhow dhow.
Waxaa ku soo noqnoqda dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaanada ay ciidamada dowladu joogaan iska horimaadyo dhex mara ciidamada kuwaasoo sababa dhimasho iyo dhaawac.