Gaas Oo La Filaayo inuu Xilalka Ka Qaado Laba Wasiir Oo Ka Soo Jeeda Beesha Dhulbahante + Sababta

0
809

Somaliya (Tayosame news) Falanqeeyaasha siyaasada iyo Shacabka Puntland ayaa il gaar ah ku hayey dhacdooyinkii ilaa maalintii shalay ahayd ka soo cusboonaadey xuduudaha ay wadagaan Puntland iyo Somaliland gaar ahaan deegaanka Tukaraq oo uu kasoo jeedo Wasiirka Arrimaha gudaha, Dawladdaha Hoose & Horumarinta Reer Miyiga Puntland Cabdullaahi Xirsi Timacadde halkaas oo ay weerar ku qaadeen ,lana wareegeen ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland.

Wasiiradda Amniga & arrimaha gudaha ee Puntland ayaa shalay oo dagaal socday waxay iska xaadiriyeen madaarka diyaaradaha ee magaalada Garoowe halkaas oo ay kamid ahaayeen marti-sharaftii lagu casumay xafladdii furitaanka madaarka Garoowe.
Halka Wasiirka Duulista Hawada & Garoomada Puntland Axmed Cilmi Karaash oo ay shaqadiisu ahayd furitaanka garoonka Garoowe uu si deg deg ah ugu ambabaxay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Axmed  Karaash ayaa xalay ku hoyday jiida dagaalka oo uu gaadhay maalintii shalay ahayd isla markaasna isku duba ridaya howlgalka ay qorshaysay Puntland in ay dib ugu soo ceshato deegaanada Somaliland ka saartay gacanteeda, halka wasiiradda Amniga Cabdullaahi Axmed Dowladd iyo Arrimaha Gudaha Mr. Timacadde ay iskaga sugan yihiin guryahooda magalada Garoowe.,waxana laga yaabaa in Gaas sida ugu dhakhsaha badan xilalka uga qaado Wasiiradaasi.
Axmed Karaash ayaa kal hore laga qaaday xilka Wasiirka Arrimaha gudaha, Dowladdaha Hoose & Horumarinta Reer miyiga, isagoo kamid ahaa Wasiiradii ay codka kalsoonida ka kala laabteen Golaha Wakiilada  Puntland, waxaana laga yaabaa in mar kale xilkaasi dib loogu celiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.