Maraykanka Oo Gaadiidka Aanay Xabadu Karin Ugu Deeqay Dowladda Somaliya + Sawirro

0
374

Somalia (Tayosame news) Wasaaradda Arrimaha Dibadda dawlada Mareykanka ayaa soo gaadhsiisay  Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya lix gaadhi oo ah gaadiidka aan xabaduhu karin. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kala wareegay gaadiidkan saraakiil ka socotay dowlada Maraykanka.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa gaadiidkan ugu deeqday dowlada Somalia waxaana munaasabad kooban oo uu Wasiirku ku guddoomayay Gaadiidkaasi lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga, taasoo ay goob joog ka ahaayeen wafdi ka socda dowlada Mareykanka.

Dhowaan ayay aheyd markii dowlada Maraykanku hakisay sahaydii ay siin jirtey ciidamada Milatariga Somalia kadib markii ay soo baxeen arrimo la xiriira wax isdaba marin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.