Somalia (Tayosame news) Wararka ka imanaya Xukuumadda Puntland ayaa diyaar garow ugu jirta sidii ay dib usoo celinta kastamkii Tukoraq oo ay daraad la wareegeen gacan ku hayntiisa ciidamada Somaliland, waxaana ka socda magaalada Garowe abaabul iyo shirar looga arrinsanayo jawaabta Puntland ka bixin doonto deegaanka tukoraq.
Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne ayaa saacadihii lasoo dhaafey mar kale dib u furey isu socodka Puntland iyo Somaliland ka dib amar uu ku xanibay maalintii shalay, waxaana lagu sababeeyay dib u furida wadada isku xidha Garoowe iyo Hargeysa in ujeedadii laga lahaa laga gaadhey.
Sidoo kale wararka laga helayo Madaxtooyadda Puntland ayaa sheegaya Madaxweynaha Puntland inuu magacaabay saddex guddi oo ka shaqeynaya diyaargarow Puntland ugu jirto difaaca xuduudaheeda, waxayna sheegayaan warar dheeraad ahi in maalinta beri ah loo balamay shir dhexmari doona maamulka iyo qeybaha bulshada ee jooga magaalada Garoowe.
Dhinaca kale ilo wareedyo laga helayo qaar ka mid ah gollaha xukuumadda Puntland ayaa sheegaya inay dib u dhigtey Puntland qorshayaashii ay damacsanayd in looga jawaabo dagaalkii , tan iyo inta uu dib ugu noqonayo Muqdisho Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo maalintii saddexaad ku sugan magaalada Garoowe.
Isku soo wada duuboo hadal haynta ugu badan ee shacabka Puntland waxay ku qotontaa dhaq dhaqaaqa ciidan ee Somaliland ka wado deegaano ka tirsan Gobolka Sool.