Arrimo Kasoo Cusboonaaday Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida Itoobiya

0
242

Ethiopia (Tayosame news) Waxa weli aan demin colaadi u dhaxaysay qomiyadaha oromada iyo somaliad ee kuwada dhaqan wadanka itooboiya.

Colaadda labadan qowmiyadood oo salka ku haysa mid dhuleed ayaa aad isu soo tareysay tan iyo dabayaaqadii sanadkii ina dhaafay ee 2017.

Mas’uuliyiin ka tirsan qowmiyadda Oromada ayaa dhinacooda horey u sheegay in ka badan 55,000 oo Ormo ah ay ka barakaceen gobolka Soomaalida oo ay ku nool yihiin cooshado ku dhex yaala xeryaha qaxootiga.

Afhayeen u hadlay oromada oo la yidhaahdo Adisu Arega ayaa sidoo kale mar sii horreeysay sheegay in dadka Oromada ah ee barakacay ay gaarayaan 4 boqol oo kun, kuwaasoo sida uu sheegay ka cabsi qaba weerarro uga yimaada askarta booliska gaarka ah ee gobolka Soomaalida.

Masuuliyiinta Oromada ayaa intaa raaciyay in 18 qof oo Soomaali ah oo kaliya la dilay, iyadoo ay Oromaduna ka barakacayeen magaalooyinka iyo xaafadaha Soomaalida iyagoo ka cabsi qaba aargoosi.

Soomaalida iyo Oromada ayaa uu dhinacba dhinaca kale ku eedeynayay gumaad iyo baro kicin.

Waxaana adag in la helo xogta rasmiga ah ee khilaafkan iyo inta ay dhibaatadu la eg tahay maadaama ay adag tahay in la helo xog ka madax bannaan labada dhinac ee ay colaaddu dhex taalo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.