Somalia (Tayosame news) Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goor dhow gaaray Magaalada Qardho.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa soo dhaweeyay Waxgaradka degmada ee uu ka mid yahay Boqor Burhaan iyo dadweyne faro badan.
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka mid ah madaxda gaadhy magaalada Qardho iyadoo si weyn loo adkeeyay ammaanka Qardho.
Madaxweyne Farmaajo oo safar dhulka ah ku tegey magaalada Qardho ayaa lagu wadaa inuu kulamo la yeesho mas’uuliyiinta degmada ,waxgaradka iyo duubabka dhaqanka.