Somalia (Tayosame news) Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga maamul goboleedka Puntland xalayna ku hoyday magaalada Qardho ee Gobolka Bari ayaa maanta wuxuu gaadhi doonaa magaalo Xeebeedka Boosaaso.
Qaban Qaabada lagu soo dhaweynayo Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa haatan laga dareemaya magaalada Boosaaso iyadoo amaanka magaalada aad loo adkeeyay waxaana wadooyinka waaweyn ee magaalada Boosaaso lagu arkayaa ciidamo fara badan oo xaqiijinayo amaanka magaaladaas.
Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku gudo jiro booqashadiisa waxaa lagu wadaa in uu gaadho degmooyin ka mid ah gobolada Mudug iyo Galgaduud iyadoo halkaasi ay shalay gaadheen wafdi hordhac u ah safarka Madaxweynaha.