Cadho Ka Dhalatay Kadib Markii Laga Saaray Diiwaanka Dalxiiska Hindiya Taj Mahal

0
43

india: (Tayosame news)  Cadho xooggan ayaa ka dhalatay dalka Hindiya kadib markii wakaaladda dalxiiska gobolka Uttar Pradesh ee dalkaasi ay diiwaanka dalxiiska ka tirtirtay qasriga caanka ah ee Taj Mahal.

Taj Mahal ayaa ka mid ah todobada mucjiso ee adduunka, waxaana la dhisay qarnigii 17 aad, xiligaas oo boqor islaam ahaa oo lagu magacaabi jirey Shah Jahan uu u dhisay xaaskiisa oo uu jeclaa Mumtaz Mahal.

Waxa uu ku yaalaa magaalada Agra ee dalka Hindiya, halkaas oo sanad kasta kumanaan qof ay u dalxiis tagaan.

Saxafiyiin, siyaasiyiin iyo dad kale ayaa baraha bulshada ka dhaleeceeyay go’aanka wakaaladda, fariimaha twitter-ka lagu soo qorayna waxaa la wadaagay wax ka badan 12,000 jeer 24 kii saac ee lasoo dhaafay.

Diiwaanka cusub ayaa waxa uu ka hadlayaa qorshayaasha dalxiiska ee u yaala xukuumadda gobolkaas ka talisa ee uu hoggaamiyo ninka Hinduuga ah ee lagu magacaabo Yogi Adityanath oo lix bilood oo kaliya xilka haya.

Waxaa ku jira diiwaanka macbad ay dadka Hinduugu ku cibaadaystaan oo lagu magacaabo Gorakhpur, halkaas oo uu wadaadka ugu weyn ka yahay wasiirka koowaad Mr. Yogi.

Bishii June ayaa ninkan laga soo xigtay isaga oo leh “Taj Mahal kama turjumayo dhaqanka Hindiya”.

Nin lagu magacaabo Avanish Awasthi oo ka tirsan wakaaladda dalxiiska Uttar Pradesh ayaa sheegay in diiwaanka aanan loogu talogalin in uu hago dadka dalxiiska u imanaya, balse uu ahaa mid loogu talogalay saxaafadda , ujeedkuna uu ahaa oo kaliya qorshayaasha dalxiiska ee dowlad goboleedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.