Somalia (Tayosame news) Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa ka hadlay maxaabiis soomaali ah oo laga sii daayey xabsiyo ku yaala wadanka Hindiya.
Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ka hadlayey munaasibad qado sharaf ah oo uu ku maamuusay Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin oo ka mid ah madax dhaqameedka magaalada Boosaaso ayaa sheegay inay dawladu ka hawl gashay sidii loo sii dayn lahaa maxaabiista ku xidhan dalka Hindiya.
Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlaya maxaabiista la sii daayey ayaa waxa uu yidhi “Arinta ku saabsan dadka soomaaliyeed ee xabsiyada ku jira gaar ahaan kuwa ku xidhan Hindiya oo boqolaal kor dhaafaya, hawshaasi waa gabagabo, toban maalmood gudahoodna waxa inagu soo gaadhi doona dad gaadhaya 100 qof kuwaas oo aanu soo daynay, iyada oo qaar ka mid ah aanu ka soo saarnay xabsiyada kuwaas oo degan hudheelo sugayana in qaar kale lagu soo daro si aanu ugu kirayno diyaaradii soomaaliya keeni lahayd.