Nuxurka Arrimo Kasoo Baxaya Kulankii Madaxweyne Muuse Biixi iyo Weftigii Imaaraatka + Arrimo Kale Oo Kasoo Cusboonaaday

0
26

Hargeisa (Tayosame news) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu kulan la yeeshay wafti ka socda Imaraadka carabta kaas oo todobaadkan dhamaadey dalka yimid kuwaas oo dib u laabtey.

Waftigan oo la sheegay in ay ka koobnaayeen todobada xubnood , in kasta oo aaney madaxtooyadu war rasmi ah ka soo saarin , hadana waxaa ay ujeedadoodu ay aheyd sidii ay madaxweynaha ugala hadli lahayeen arimaha saldhiga Berbera oo ay xukumadu sheegtay in ay hakin ku sameysay , kadib markii ay soo baxeen arimo farsamo oo aan ka fulin dhinaca Imaraadka Carabta oo ku jiray heshiiiskii madaxweyne Siilanyo la galay.

Wararku waxaa uu sheegayaa in madaxweyne Muuse Biixi oo ay kulanka ku wehelinayeen, wasiirada arimaha gudaha , arimaha dibada , gadiidka iyo wadooyinka iyo xubno kale oo uu u bandhigay xubnaha Imaratiyiinka ah , dareenka Somaliland ee saldhiga.

Waxaana uu warku sheegaya in madaxweynuhu codsadey in xukuumadu dooneyso in waxyaabo cusub lagu daro heshiiskii hore loola galay Imaraadka Carabta .

Qodobada uu Muuse Biixi doonaayo in lagu daro heshiiskii hore noomay suurto galin in aanu helno , lakiin waftiga Imaraadka ah ayaa la sheegay in madaxweynaha ay ka codsadeen in ay doonayaan in heshiiskii hore loola galay sidiisii loo fuliyo isla markaana qodobada cusub ee Somaliland dooneyso la qodobeeyo kuwaas oo ay balan qaadeen in lagu dari doono heshiiska

Waxaa kale oo ay wararku sheegayaan in waftiga Imaraadku ay madaxweyne Muuse Biixi soo gaadhsiiyeen Marti qaad rasmi ah oo ah in uu booqasho ku tago dalka Imaraadka carabta oo xidhiidh la leh Somaliland , waxaa la sheegay in madaxweyne Muuse Biixi aqbalay martiqaadkaas balse aanu cayimin wakhtiga uu tagi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.