Berbera ( Tayosame news) Xukumada Somaliland ayaa maanta laoo degtay saanada milateri oo kala duwan.
Saanada milateri maaha midii koobaad ee wasaarda gaashaandhiga somaliland lasoo degaan iyadoo ay jiraan in marar hore oo kala duwan ay laso degaan hubab noocyadiisu kala duwan yihhin.
Saanadan milateri ayaa kusoo beegmaysa xilli ay colaado ka aloosan yihiin gobolada bariga somaliland ayadoo hadalo xanaf leh ay isweydaar sanayaan dowlada somaliland iyo masuuliyiinta dhinaca maamul goboleedka soomaliyeed ee puntland.
Waxa aan weli ssi rasmi ah loo xaqiijin cida ay somaliland kasoo iibsatay sanada mialteri ee ay lasoo degeen waxaana loo badinayaa sida aanu wararka ku helayno wadanka imaaratka carabta oo saldhig milateri ka furanya magaalada berbera hadana ay magaalada hargeisa ku sugan yihiin masuuliyiin ka tirsan dowlada imaaraatka carabtu.