Kooxo Hubeysan Oo Dil Ka Geystay Goob Ganacsi Degmada Afgooye

0
25

Somalia (Tayosame news) Kooxo ku hu beysan Baastoolado ayaa Goor dhawayd degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxa  ay ku dileen Nin Dhalinyaro ah.

Ninkan Dhalinyarada ah ayaa kooxda ka dambeysay dilkiisa oo watay Mooto la sheegay in ay ugu tageen Goob Ganacsi uu ku lahaa Xaafada Ceel Qode ee degamda Afgooye iyaga oo in taasi kadib Goobta ka baxsaday.

Ninkaan la dilay ayaa waxaa lagu Magacaab jiray  Abuukar Qaasim oo loo yaqaanay Tushiiba,iyada oo dilkiisa ay ka soo baxayaan  Warar kala duwan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska degmada Afgooye ayaa Goobta uu dilka ka dhacay gaaray kuwaas oo baadi goobaya dadkii ka dambeeyay dilkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.