Ceerigaabo (Tayosame news) Muddooyinkan ugu danbeeyey waxa isasoo taraysey qayla-dhaan kasoo yeedhaysa kalluunka nooca loo yaqaanno Indha-tooshlaha oo bakhtigiisu six ad-dhaaf ah u daadsan yahay xeebaha gobolka Sanaag kaddib markii doonyo ajaanib leeyahay si arxan darro ah u ugaadhsadeen kalluunkaas iyagoo raadinaya beerkiisa si ay uga miirtaan subag oo keliya iyagoo shaqa gelinaya dadka kalluumaysatada ah iyo gaadiidkooda islamarkaasna maalintii kasta lasoo jillaabayo tiro xad-dhaaf ah oo kalluunkaas kamid ah kaddibna kolka beerka lagala boxo intiisa kale la iska daadinayo.
Arrintan ayaa sababtay saxa xumo intooda badan magaala-xeebeedyada iyo xataa meelaha kalluumaysatadu deggan tahayba laga dareemayo urta bakhtiga kalluunkaas xad-dhaafka ah, sidoo kalena waxay arrintani sababtay hos u dhac ku yimid jillaabashadii kalluunka kale ee hilibkiisa nolosha bulshadu kutiirsanayd ajaanibka maaddaama oo ganacsatadan ajaanibka ahi dadkii kalluunka ka shaqaysan jirey ku jeediyeen raadinta beerka noocan (Indha-tooshle) subagga lagala baxayo oo keliya.
Dhinaca kalena hore ayaa jillaabashada kalluunka noocan ah looga joojiyey badaha maammul-goboleedka Puntland ee deriska la ah gobolka Sanaag taasi awgeedna daneeyayaashii ama dadkii iyagu baadi-doonka ugu jirey jillaabashada kalluunkan (Indha-tooshle)waxay isugusoo biyo-shubteen dhinaca Somaliland oo ay ilaa waqtigan ka jillaabanayaan.
Sikastaba ha ahaatee Wareegtadan Wasiirka Xannaanada Xoolaha & Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland (Xasan Gaafaadhi) ku xayiayo ugaadhsiga kalluunkan looyaqaanno Indha-tooshle ayaa ah tallaabo horumar ah oo wax weyn ka taraysa bad-baadinta badda Somaliland iyo khayraadka dabiiciga ah eek u duugan, islamarkaasna kusoo beegantay xilligii loo baahnaa.