Israa’iil Oo Burburisay Godad Dhulka Hoostiisa Ah

0
27

Israel (Tayosame news) israa’iil ayaa sheegtay in godadka dhulka hoostiisa laga qodo loo isticmaalo weeraro, militariga Israa’iil ayaa waxa ay sheegeen in ay burburiyeen God dhulka hoostiisa mara oo ay ku tuhunsan yihiin in ay halkaasi ka qoteen mintidiinta Falastiiniyiinta.

Godkani ayaa waxa ay Israa’iil sheegtay in uu ka bilaabmo Qaza uuna isku xidho ilaa dalka Masar.

Afhayeen u hadlay militariga Israa’iil ayaa sheegay in in burburinta Godkani loo isticmaalay duqaymo dhanka cirka ah iyo farsamooyiin kale.

Godkani ayay Israa’iil sheegtay in la doonayay in loo isticmaalo weerarada ka dhanka ah Israa’iiliyiinta.

Afhayeenka u hadlay militariga Israa’iil ayaa sheegay in godkani uu ahaa kuwa dhulka hoostiisa mara.

Israa’iil ayaa marar badan ku eedeeyay kooxaha Falastiiniyiinta in y go’dad ka qotaan dhulka hoostiisa si ay uga soo agaasimaan weeraro lagu qaado Israa’iil.

Israa’iil ayaa dagaalkii 2014 waxa ay ku burburisay in ka badan 30 godadka ay dhulka hoostiisa ka qoteen mintidiinta magalada Qaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.