Xilliga uu Si Rasmi Ah U Bilaabmi Doona Ololaha Doorashada iyo Siday Saddexda XIsbi U Kala Horayn doonaan

0
282

Hargeisa: (Tayosame news)  Waxaa muddo bil ah inaga xigtaa doorashada madaxtooyada Somaliland oo la filaayo in ay dalka ka dhacdo  13.11.2017  , taas oo ay ku tartami doonan saddexda xisbi ee Kulmiye , Waddani iyo UCID .

Sidoo kale waxaa dhawaan si rasmi ah u bilaabi doono olalaha doorashada madaxtooyada Somaliland kaas oo xisbi waliba uu olale sameyn doono muddo 7 cisho ah .

 Olalaha ayaa waxaa uu si rasmi ah u bilaabi doono 21.10.2017 oo ku beegan maalintaSabtida ee todobaadka soo socda .

Waxaana maalinta ugu horeysa ee olalaha doorashada ku furmi doona xisbiga Mucaaridka ah ee UCID , waxaa ku xigi doona isla maalinka Axada xisbiyada muxaafidka ah ee Kulmiye halka uu ugu danbeyn doono xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Olalaha  ayaa waxa uu socon doona Muddo 21 cisho ah ka dibna  laba maalmood  ka dib waxaa toos loogu dareeri doona cod bixinta sida ay guddida doorashooyinku qorsheyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.