Suldaanka Guud Ee Beelaha Habar-Awal Oo Raali Gelin Ka Bixiyey Hadalo Kasoo Yeedhay

0
364

Hargeisa (Tayosame news) Suldaan Xasan Suldaan Suldaan Cabdillaahi oo ah suldaanka Guud ee Beesha galbeedka iyo waqooyiga Hargeysa ayaa tafsiir ka bixiyay hadalo uu ujeediyay.

Suldaanku waxa qoraal kooban oo uu ku baahiyay Bogga uu Facebookga ku leeyahay uu ku sheegay in hadalka uu yidhi aanu u dhicin sida ay dadka badankiisu u qaateen, hasayeeshee uu ahaa kaftan.

waxa uu cadeeyay in dadka reer somaliland ay yihiin walaalo aan la soo dhex geli karin, qoraalka oo Uu Ku Baahiyey Bartiisa Facebook Ayaa U dhignaa sidan.

“BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM SCW Salaanta islaamka kabacdi GUUD AHAAN Shacbiweynaha reer somali land gudo iyo debadba waxaan karaali galinayaa raali galin buuxda hadalkii maanta khudbadii burco aan kajeediyay oo turjumaad khaldan lagu tafsiiray sixun wax usheeg sixir kadaran runtii hadalkani waxaa uu daba socday hadalo kaftana ilmaadeertu way kaftamaan caawa fiidkii waxaa igu soo dhacay kumanaan telefoon oo dad wax garadi gudo iyo debadba igala soo xidhiidheen talo iyo war.

soomalidu waxay tidhaa war lahelyaa talo la hel cidii uu carabkaasi muday suldaanbaan u ahay waxaan kashaqeeyaa walaalayntooda midnimadooda hadiiba meel ay wax ka dhacaan gogashaydu waa duubantay oo nabadaan kashaqeeyaa ugumana talo galin in maatada lagu dhextuuro weedho kaftan kubaxay sidaa daraadeed waxaan umada ku wargelinayaa inay sidaa kubiyo cabaan raali galintaasi sixid unoqoto soomaali land idaylkeed waa walaalo xiligii tartankiina waa dhamaaday waxaan kuboorinayaa isku duubni midnimo walaalnimo alaa mahadleh”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.