Digniin: Caano Caruureed Oo La Shaaciyey Inay Sumaysan Yihiin iyo 83 Dal Oo Ay Yaalaaan + Khatarta Caafimaad Ee Ay Leeyihiin

0
100

Hargeisa (Tayosame News) Shirkadda caanaha carruurta soo saarta ee Lactalis oo dalka Faransiiska laga leeyahay ayaa dalbatay in loo soo celiyo 12 milyan oo kaartoon oo ay ku jiraan caanaheeda daqiiqda ah, arrintaas ayaana saamayn doonta 83 dal.

Caanaha shirkaddan ayaa lagu arkay baakteeriyo.Emmanuel Besnier oo ah madax shirkadda ayaa warbaahinta Faransiiska u xaqiijiyay baaxadda ay leedahay halista sumawga caanaha. Tan iyo bishii Diseembar waxaa dib loo soo celinayay caanaha carruurta ee shirkaddan ka dib markii warshadda dhexdeeda lagu arkay bakteeriyo.

Waalid kamida dadkii dhalay caruurtii ku sumawday caanahan ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah shirkadda, iyaga oo sheegay in ay carruurtoodu xannuunsadeen markii ay cabeen caanaha shirkadda ee dhallaanka la siiyo.

Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa BBC-da u sheegay in la wargaliyay dhammaan dalalka ay arrintan saamaynayso ee ku kala yaalla qaaradaha Yurub, Aasiya, Laatiin Ameeriko iyo Afrika. Wuxuu intaas ku daray in arrintan ayna wali saamaynin dalalka Britain, Maraykanka iyo Australia. Shirkadda Lactalis waxaa u shaqeeya 75,000 oo ruux oo dunida ku kala nool sida bartooda ku qoran

Shirkadda Lactalis ayaa ah mid ka mid ah shirkadaha ugu caansan ee dhanka caanaha, waxayna sannadkii iibisaa 21 bilyan oo doolar. Shirkadda Lactalis 246 xarrumood oo caanaha lagu soo saaro ayay ku leedahay 74 dal oo dunida ku kala yaala, 15,000 oo ruux ayaana uga shaqeeya Faransiiska oo kali ah.

Waa markii saddeexaad ee ay shirkaddu dalbato in la soo celiyo caanaha laga gatay, kuwaas oo ay ka mid yihiin noocyada Picot, Milumel iyo Taranis.Bakteeriyada caanaha lagu arkay ee Salmonella ayaa horseedda shuban, calool xannuun, mantag iyo nafaqo darro xun.Halis ayayna galin kartaa nolosha carruurta yaryar.

Ilaa iyo hadda 35 kiis ayaa laga sheegay dalka Faransiiska halka mid kalana laga soo sheegay dalka Spain. Waxaa kale oo jira kiis kale oo laga baadhayo dalka Giriigga sida ay Jimcihii sheegeen masuuliyiinta Faransiiska.

Madaxa shirkadda Lactalis oo waraysi gaar ah siiyay Wargeys kasoo baxa dalka Faransiiska ee Journal du Dimanche ayaa diiday in ay shirkaddu isku dayday in ay qariso dhibaatada soo foodsaartay. Besnier wuxuu sheegay in ay jirto cabashooyin uuna jiri doono baadhitaan ay si dhamaystiran ula shaqayn doonaan. Madaxa shirkadda Lactalis wuxuu sheegay in shirkaddu ay magdhaw siin doonto qoysaska ay saamaysay.

Warbaahinta Faransiisku waxay sheegtay in dadkii loo xilsaaray qiimaynta warshadda ay sheegeen in ay wax walba u hagaagsan yihiin bishii Sabtembar

Shirkadu waxay sheegtay in ay rumaysan tahay in dhibaatadan ay sababtay dayactir lagu sameeyay warshada Celia ee ku taalla waqooyiga galbeed ee Faransiiska.

Wasiirka beeraha ee Faransiiska ayaa sheegay in la mamnuuci doono dhammaan wax soo saarka warshadda inta ay baaritaannadu socdaan.Dawladda Faransiiskuna waxay sheegtay in shirkaddu ay filato ganaax la xiriira sida ay xaaladdan u maaraysay.Dawlada Faransiisku waxay sidoo kale ku-dhawaaqda in ay cunaqabatayn saari doonto shirkaddaha tafaariiq ahaan u sii gada, ka dib markii ay soo baxeen in suuqyada laga dukaamaysto qaar ay wali sii wadaan iibinta caano laga yaabo in ay sumaysan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.