Qarax Xoogan Oo Hada Ka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo Faahfaahinta Qaraxaasi

0
283

Muqdihso (Tayosame news) Qarax xooggan ayaa goor dhaweyd barqanimadan saaka ah ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo faahfaahino ay ka soo baxayaan qaraxan oo aad u xoog badnaa meelo badana laga maqlay.

Sida aan wararka ayaa ku daraya qaraxa oo loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda lagu aasay oo Remote Control laga hagayey ayaa ka dhacay agagaarka Maxkamadii hore ee Xararyaale oo ku taalla degmada Wardhiigley.

Qaraxa ayaa lala beegsaday gaadhi uu la socday Taliye ku-xigeenkii hore ee saldhiga Booliska Wardhiigley.

Gudoomiye ku-xigeenka maamulka degmada Wardhiigley ayaa warbaahinta u sheegay in taliye ku xgeenku uu ka badbaaday qaraxaas, aysana jirin wax khasaare ah oo ka dhashay, ciidamada amaanka ayaana halkaas gaadhay kuwaas oo baadhitaano ka bilaabay goobta.

Qaraxyada loo adeegsado miinooyinka wadooyinka la dhigo ee meelaha fog laga hago ayaa mudooyinkan ku soo badanayey magaalada Muqdisho, maalmo ka hor ayeyna aheyd markii qarax noocan ah oo ka dhacay jidka Warshadaha ay ku dhinteen saddex ka mid ah ciidamada dowlada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.