Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Dalka Ka Dhoofay, Halka Uu Tagay iyo Wasiiradda Weheliya

0
28

Hargeisa (Tayosame News) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta la filayaa in uu safar ugu ambabaxo Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya .

Ma jiro war rasmi ah oo madaxtooyadu ka soo saartey Socdaalka madaxweynaha , lakiin warar xog ogaal ah ayaa wargeyska Geeska Africa u xaqiijiyey in madaxweyne Biixi uu maanta ku tagaayo Addis Ababa Marti qaad rasmi ah oo dawlada Itoobiya u soo dirtay markii loo dhaariyey talada Somaliland.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu Addis Ababa ku maqnaan doono Saddex maalmood oo maanta ka bilaabmi doona waxaana uu la kulmi doonaa Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn oo ay ka wada hadali doonan danaha dalalka Somaliland iyo Itoobiya .

Dalalka Somaliland iyo Itoobiya waxaa ka dhaxeeya xidhiidh iyo iskaashi dhinacyo badan khuseeya , amaanka , dhaqaalka , ganacsiga iyo arimo kale .

Waftiga madaxweyne Biixi waxaa ka mid ahaan doona wasiirka arimaha dibada Dr Sacad Cali Shire oo maalmahan u danbeeyey ku maqnaa dalka Ingiriiska .

Safarkan ayaan noqon doona kii labaad ee Madaxweyne Biixi ugu baxo dalka dibadiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.