Beelo Kasoo Horjeestay Shirka Cadaado iyo Shirkii Cadaado Fashil Ku Dhow

0
68

Somalia (Tayosame News) Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado oo xarun KMG ah u heyd maamulka Galmudug ayaa sheegaya in waxgaradka beesha Degta magaaladaasi ee reer Xaaji Saleebaan iyo Siyaasiyiin ay kasoo horjeedaan heshiiska Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Waxgaradka Beesha Cadaado ayaa diidan in ay ka qeyb galaan munaasabada lagu dhameestirayo heshiiska Galmudug iyo Ahlu Suunna oo maanta la filayo in uu ka dhaco magaalada Dhuuso Mareeb.

Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka ay ku jiraan Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare Abshir Bukhaari, Senator Cabdi Qeybdiid, Xildhibaan Axmed Fiqi, C/xakiin Macalin, Xildhibaan Abtidoon Yare ayaa kulamo la qaatay Waxgaradka Cadaado.

Kulan saacado badan qaatay oo socday ilaa xalay saqdii dhaxe ayaa la sheegay in wax natiijo ah uusan kasoo bixin kadib markii Xildhibaanada ku fashilmeen in Waxgaradka ay la kulmeen ka dhaadhiciyaan in Shirka Dhuuso Mareeb ka qeyb galaan.

Waxgaradka Beesha Saleebaan ee la kulmay Xildhibaanada ayaa si cad u diiday in ay ka qeyb galaan Shirka Dhuuso Mareeb, waxa ayna ku baaqeen marka hore in la fuliyo qodobo shuruudo ah ay wataan.

Sida aan Wararka ku helnay Waxgaradka Cadaado ayaa ku amray Wasiirada iyo Xildhibaanada beesha Saleebaan in aysan ka qeyb galin Munaasabada dhameestirka heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna ee ka dhacaya Dhuuso Mareeb.

Xildhibaanadii kale ee Cadaado u joogay wadahadalka Waxgaradka ayaa saakay u ambo baxay magaalada Dhuuso Mareeb, waxaana Cadaado ku haray Xildhibaanada Beesha Saleebaan ku matala dowlada kuwaa oo kala ah Abshir Bukhaari, Abtidoon yare iyo sidoo kale Wasiir Qoor Qoor oo Xukuumada Somalia katirsan.

Khilaafkan siyaasadeed ee kusoo kordhay Galmudug ayaa u muuqda caqabad kale oo maamulkaasi lasoo gudboonaaday kadib heshiiskii maamulka la gaaray Kooxda Ahlu Sunna ee ka talisa Dhuuso Mareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.