Sir Culus: Dowlada itoobiya Oo Saanad Millateri Ugu Deeqaysa Somaliland iyo Sababta

0
647

Ethiopia (Tayosame News) Madaxweynaha dowlada somaliland oo kusugan dalka ethiopia ayaa kulan uu la qaatay reysal wasaaraha dalkaasi oo uu booqasho rasmi ah ka helay.

Kulanka kadib oo ay labada hogaamiye shir jaraaid wada qabteen ayey ku cadeeyeen inay wada gaadheen heshiisyo dhinaca waxbarashada iyo iskaashiga ah, laakiin waxa jira arrimo kale oo aan la shaacin oo ah inay dowlada federaalka itoobiya usoo diri doonto saanad milateri oo ay labada dhinac ku heshiiyeen waxaana la filayaa inay dhowaan soo gaadhi doonto somaliland.

Saanadan milateri ayaa la sheegay inay isugu jirto nooc kamida gawaadhida gaashaaman iyo hubka noocyadiisa kala duwan.

dowlada itoobiya ayaa aad u danaynaysa somaliland waxaana dowlada itoobiya adeegsataa dekeda caalamiga ah ee magaalada berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.