Shil Labo Diyaaradood Oo Ka Dhacay Garoonka Aadan-Cadde Ee Magaalada Muqdisho [ Daawo Sawirada ]

0
126

Muqdisho (Tayosame News) Waxaa maanta Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa  ka dhacay Shil Diyaaradeed oo sababay khasaaro burbur ah.

Shilkan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceyn laba Diyaaradood oo mid ka mid ah ay leeyihiin Midowga Yurub halka mida kale ay tahay Diyaarada nooca Rakaabka qaada ay leedahay Shirkad lagu Magacaabo Galeyr sida ay sheegeen qaar ka mid ah Saraakiisha Garoonka.

Diyaarada Shilka sameysay ayaa xilligaas rabtay inay meel Parking ah gasho, waxayna qaybta Runwayga ee Parkinada ah ugu tagtay Diyaarad kale oo xilligaasi taagneyd, sidaasina shilka uu ku dhacay.

Sawirro lagu soo bandhigay Baraha Bulsahda ay isticmaasho ayaa muujinaya mid ka mid ah Baalasha Diyaarada oo burbursan taas oo sugeysay Rakaab in ay Maanta qaado,waxana labada Diyaaradood ka daatay Shidaal farabadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.