Xildhibaan Nac-nac Oo Laga Manuucay Inuu Gudaha Usoo Galo Aqalka Madaxtooyada Somaliland iy Sababta Ka danbaysa

0
30

Hargeisa(Tayosame news)-  Madaxtooyada Somaliland ayaa la sheegay in laga mamnuucay in uu gudaha u galo Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac ka dib markii Khamiistii uu ku dhawaaqey in uu ka baxay xisbiga Kulmiye kuna biiray Waddani .

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in go,aankan lagu war galiyey ciidamada amaanka ee ilaaliya madaxtooyada oo la faray in aaney ogolaanin in xildhibaan Nacnac gudaha u galo madaxtooyada .

Go,aankan amarka ah ayaa la sheegay in uu yahay mid afka ah oo aan qoraal aheyn , xildhibaan Nacnac Ayaan isna tagin xarunta madaxtooyada tan iyo intii uu soo bandhigay mawqifkiisa siyaasadeed .

Xildhibaan Nacnac ayaa caan ku ah in uu yahay saxiibka gaarka ah ee madaxweyne Siilanyo waxaase dad badan ku noqotey go,aankan madaxtooyadu kaga jawaabtey mawqifka siyaasadeed ee xildhibaan Nacnac qaatey .

Xildhibaan Nacnac oo laga doortey gobalka Maroodi-Jeex ayaa lagu tilmaama xildhibaanka bulshada Jiliicsan aad u caawiya isla markaana dib ugu noqdey deeganadii laga soo doorte marka loo eego xildhibaanada golaha wakiilada

Musharaxa madaxweynaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro ayaa ka dib go,aanka uu xildhibaan Nacnac qaatey waxaa uu ku tilmaamay siyaasi culus oo misaan weyn ku soo kordhin doona xisbiga Waddani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.