Home Warar Wiilal Soomaali Ah Oo Walaalo Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Toronto Ee...

Wiilal Soomaali Ah Oo Walaalo Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Toronto Ee Dalka Canada

0
37

Canada (Tayosame News) Labo Wiil oo Soomaali ah ayaa la dilay Labo kalana waxaa soo gaadhay dhawac halis ah kaddib toogasho xalay ka dhacday xaafadda Etobicoke ee magaalada Toronto dalka Canada.

Ciidamada Booliiska ayaa xidhay goobta ay toogashada ka dhacday, waxaana la sheegay in labada ruux kale ee dhaawacu soo gaadhay oo mid ka mid ah uu Soomaali yahay ay wajahayaan xaalad adag oo caafimaad.

Dhakhaatiirta Toronto ayaa xaqiijiyay in labada Wiil ee Soomaalida ah isla goobta ku dhinteen, halka labada kalana la dhigay goob caafimaad xalaadooduna tahay mid khatar ah.

Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya dilal sanadihii ugu danbeeyay soo noqnoqday oo ka dhacay dalka Canada kuwaa oo galaaftay nolasha dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.