Madaxweyne Muuse Biixi oo Khadka Telefoonka Kula Hadlay Farmaajo iyo Arrimaha Ay Kawada hadleen

0
213

Hargeisa (Tayosame News) Madaxweyne  Muuse Biixi Cabdi Iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa markii u horeysay ku wada hadley khadka telefoonka kadib xiisad ka dhex dhalatay Somaliland iyo Puntland .

Warar la  xaqiijiyey ayaa sheegaya in  labada madaxweyne ay Telefoon ku wada hadleen todobaadkan dhamaadey ka hor intii aanu madaxweyne Biixi u anbo bixin magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya .

Wada hadalkan telefoonka oo sida warku sheegay ay ka shaqeysay xarunta caalamiga ah ee” CENTER FOR HUMANITARIAN DIALOGUE “waxaa ay labada madaxweyne kaga wada hadleen laba qodob oo kala ah xiisada ka dhalatey deeganka Tuko-raq iyo suurto galnimada inay dib u bilaabmaan wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya ee hakadka Galay.

 Wararka waxay intaa ku darayaan in madaxweyne Biixi uu wada hadalkaas telefoonka ah ku soo bandhigay in xiisada Tuko-raq uu u arko dagaal ay Somaliya ku soo qaadey Somaliland isaga oo sheegay in aaney is heynin Somaliland Iyo Puntland lakiin uu aaminsan yahay in dawlada Somaliya ee madaxweyne Farmaajo ay bilowdey dagaal ciidan oo ka dhan ah Somaliland .

Waxaana wararku sheegayaan in madaxweyne Muuse Biixi uu tusaale u soo qaatay wasiirkii qorsheynta Somaliya Mr Jamaal Xassan oo dhawaan socdaal ku yimid bariga Sanaag taas oo madaxweynaha Somaliland uu sheegay in ay tahay Xad-gudub.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed  Farmaajo ayaa la sheegay in uu ku dooday in aanu marnaba dooneen dagaal iyo dhiig daata lakiin uu jecel yahay nabad gelyada isla markaana uu diyaar u yahay in uu ka shaqeeyo sidii xiisada soo korodhey loogu dhameyn lahaa wada hadal , waxaa uu sidoo kale uu sheegay in uu jecel yahay in labadooduba hormuud u noqdaan in xiisada la dejiyo isla markaana laga dheeraado dagaal dhaca .

Waxaa kale oo uu sheegay in labada madaxweyne isla soo hadal qaadeen in dib loo bilaabo wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya waxaana ay isla garteen in wada hadaladu ay deg deg u bilowdaan isla markaana ay labadooduba ay Hormuud u noqdaan kulanka u horeeya ee wada hadalada lagu bilaabaayo waxaana ay wararku sheegayaan in ay suurto gal tahay in dawlada Tukriga laga wareejiyo wada hadalada loogana wareego in dawlado kale ay dhex dhexaadiyaan , Ma jiro wax war ah oo ay Somaliland iyo Somaliya midkoodna ka soo saartey wada hadalkan telefoonka ee dhex maray labada madaxweyne ee Somaliland iyo Somaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.