Jasiirad Cusub Oo La Helay lana Baadhayo Wixi Ku Noolaan Jirey

0
59

Ruushka: (Tayosame news)  Waxa maalintii Jimcihii la soo bandhigay jasiirad cusub oo la helay, taasoo aan ilaa hadda la ogayn waxa ku nool iyo waxa ku noolaan jiray midnaba.

Iyadoo  culimadda dhinaca baddaha ee Ruushka iyo Ingiriisku sheegeen in laga yaabo inay tahay meel xayawaanka baddu isugu yimaadaan.

Jasiiraddan cusub oo ku taalla bad weynta Arctic-ga ee wadanka Ruushka ayaa waxa helay maraakiib ay leeyihiin ciidamadda Wadanka Ruushka, kuwaasoo gaaf wareeg ku samaynaayay badda u dhaw halkaasi.

Ciidamadda oo moodaayay maraakiib meesha taagan ayaa jasiiraddan soo gaadhay, iyagoo ku wargeliyey dhacdadan iyo jasiiradda ay heleen khubarro ka mid ah kuwa Sayniska iyo Taariikhaha ee wadanka Ruushka.

Afhayeen u hadlay khubaradda Baddaha ee wadanka Ruushka oo lagu magacaabo  Andrei Lozik oo u waramaayay wakaaladda wararka ee  Novosti oo u qormadan ka soo xigtay wargeyska Dawan,  ayaa sheegay in ay qaybo ka mid ah jasiiraddani tahay Baraf, ayna baadhitaan dheeraad ah ku samaynayaan.

Khabiirkan ayaa sheegay in aanay ilaa hadda ogayn waxyaalaha ku nool jasiiraddan oo qaybo ka mid ahi yihiin Barafley.  Waxaanu  intaas ku daray in muddo toddobaadyo ah ay baadhitaan dheeri ah ku samayn doonaan waxyaalaha ku nool jasiiraddan.

Sidoo  kale-na ay baadhi doonaan waxyaalaha ku noolaan jiray iyo siday ugu noolaan jireen.

Markabka dagaalka ee Ruushka laguna magcaabo Sineg oo ahaa ka helay jasiiraddan ayaa hadda hawlgalo cusub ka bilaabay agagaarka jasiiraddaasi.

Iyadoo  ay sidoo kale goobta gaadheen khubarro Ingiriiska ka socota, kuwaasoo hore baadhitaano uga waday meelo ka mid ah wadanka Ruushka.

Markabkan ayaa hore u helay goobo taariikhiya   xili uu ku jiray hawlgalo kormeer dhanka badda ah, isagoo  qaybo cusub oo badda Kara  ka mid ah ka helay goobo taariikhi ah.

Waxa  kaloo uu goobo cusub hore uga helay Badda Lautiv.

Khubaraddan dhinaca Baddaha ee Ruushka ayaa sheegay in ay dhawaan soo bandhigayaan macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan jasiiraddan cusub ee la helay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.