DEGDEG: Qarax Dad ku Dhinteen Oo Goor Dhawayd Ka Dhacay Muqdisho

0
189

Muqdisho (Tayosame News) Qarax xoogan ayaa goor dhaweyd waxa uu ka dhacay magaaladda Muqdisho e Caasimadda Soomaliya.

Qaraxaan oo ahaa mid dhulka lagu aasay ayaa waxaa lala eegtay sida ay sheegeen dadka deegaanka gaadhi kuwa raaxadda ah oo marayay Agagaarka Jaamacadda Gaheyr.

Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa ku dhintay hal ruux oo xiligaas gaadhiga saarnaa, waaxaa sidoo kale ku dhaawacantay haweeney goobta xiligaas maraysay.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in qofkii gaadhiga saarnaa uu wada gubtay islamarkaana uu halkaas ku geeriyooday.

Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaliya ayaa goobta gaadhay qaraxa kadib iyadoo qofka dhaawacmayna loola cararay cusbitaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.