Somalia (Tayosame news) Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay khilaaf cusub oo la sheegayo inuu soo kala dhexgalay madaxtooyada Somalia iyo maamulka Gobolka Benaadir.
Isfahmaaga laba dhinac ayaa cirka isku sii shareeray toddobaadkan, kadib markii madaxweynaha Somalia uu soo saaray amar lagu joojinayo iibinta dhulalka danta guud ee Muqdisho, talaabadaasi oo taageerayaasha guddoomiyaha gobolka, gaar ahaan odoyaashu dhaqanku ay u fasirteen inay tahay mid la donayo in cadaadis lagu saaro guddoomiyaha sumcadana looga dilo.
Odoyaasha dhaqanka ee taageersan guddoomiye Thabit ayaa xalay iyagu war-saaxafadeed kaga hadlay khilaafka taagan, waxayna madaxda qaranka uga digeen faragelinta gobolka iyo waliba shiweryne gobolku qabanayo oo ka la qorsheynayo in Muqdisho lagu qabto.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhaw wareegto uu soo saaray u magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo horay u ahaa Wasiirka Warfaafinta, iyadoo dhamaan xilalka laga qaaday xubnihii hayay xilka Guddoomiye ku-xigeenada iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha:-
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo
-Markuu arkay soo jeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka& Dib-u-heshiisiinta;
Markuu wadatashi la sameeyey, islamarkaasna dhageystey talooyinka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya;
Madaxweyahu waxuu shaqsiyaadka hoose u magacaabay xilalka kala ah:
- Mudane Cabdiraxmaan CumarCismaan (Eng. Yarisow) waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Benaadir Ahna Duqa Muqdisho;
Maxamed Cabdullaahi Maxamed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasada;
Hussein Mohamed Nuur waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Maamulka&Maaliyada;
- Marwo Basma Omar Ahmed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada & Wacyigelinta
- Aadan Sheikh Cali Fidoow waxaa loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud
- Xoghayaha Guud waxaa loo magacaabay Cumar Abdirisaak Xuseen
Xil ka qaadistan ayaa imaneysa kaddib khilaaf xoogan oo soo kala dhaxgalay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed iyo madaxtooyada Soomaaliya.