DEGDEG: iska Hor Imaad Xoogan Oo U Dhaxeeya Ciidanka Somaliya Oo Muqdisho Ka Dhacay + Dhimashada ………..

0
208

Muqdisho (Tayosame News) Waxaa iska hor imaad khasaaro dhaliyay oo u dhaxeeyay ciidamo ku labisan dareeska Ciidanka Milatariga Soomaaliya uu maanta ka dhacay Suuqa Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Goobjooge ayaa ku waramay in ciidamadan ay rasaas isku dhax dhaafsadeen gudaha Suuqa Kaaraan, waxaana inta la xaqiijiyay iska hor imaadkaasi ku dhintay Haweeney ganacsato ah halka qof kalana uu ku dhaawacmay.

Ciidamadii hubaysnaa ee ku dagaalamay Suuqa Degmada Kaaraan ayaa goobtaasi isaga tagay, waxaana Suuqa gaadhay ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya oo wada baadhitaano ku aadan iska hor imaadkaasi.

Iska hor imaadka dhax mara askarta xidhan dareeska Ciidanka dowlada ayaa kusoo badanaya Muqdisho, waxaana shalay labo iska hor imaad oo khasaaro dhaliyay ka kala dhaceen Degmooyinka Shibis iyo Howl Wadaag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.