Raysal Wasaare Xasan Kheyre Oo Goor Dhawayd Muqdisho Ka Dhoofay

0
32

Somalia (Tayosame News) Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhawayd  ka dhoofay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, iyagoo kusii jeeda dalka Switzerland uu uga qeyb galayo shir Caalami ah .

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa dalka Switzerland uga qeyb galaya shirka Madasha Dhaqaalaha Aduunka , waxaana shirkan looga hadli doonaa arrimaha kobaca dhaqaalaha Adddunka iyo sidii loo caawin lahaa wadamada soo koraya oo Soomaaliya ay kujirto.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa madasha shirkan ka jeedin doona khudbad uu uga hadlayo xaalada Soomaaliya gaar ahaan dhinaca kobaca dhaqaalaha Soomaaliya oo guul laga gaaray.

Waxaa sidoo kale la filayaa Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya inta uu joogo dalka Switzerland uu la kulmo qaar kamid ah Madaxda kulankaasi ka qeyb galeysa iyo dad kale oo magac leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.