Ciidamada Kenya Oo Gubay Xarumaha Shirkada Hormuud Ee Goboolka Gedo

0
20

Gedo (Tayosame news) Ciidamada Kenya ee ku sugan Gobollada Gedo iyo Jubbooyinka oo weli sii wada dhibaatada ay ku hayaan Dadka ku nool Gobolladaasi ayaa gubay qaraxyana ku burburiyay Xarumo isgaarsiineed oo Shirkadda Hormuud ku leedahay Degmada Ceel Waaq ee gobolka Gedo.

Wararka aan ka heleyno deegaankaasi ayaa sheegaya in Ciidamadan oo wata gaadiid dagaal ay qaraxyo gabi ahaanba ku baabi’yeen xarunta Ceelbaande 20/January/2018, 8 habeenimo taas oo 3km u jirta degmada Ceelwaaq.

Waxaana halkaasi ku burburay dhammaan dhismihii iyo qalabkii yaallay oo isugu jiray Matoorro, Solarka ku shaqeeya Cadceedda & Qalabkii kale oo loo isticmaalayey Isgaarsiinta.

Arrintan ayaa saameyn dhanka isgaarsiinta ah ku yeelatay Dadka deegaanka, ayada oo ay waayeen dhammaan adeegyadii ay bixinjireen xarumahaasi.

Ilaa hadda sida dadka deegaanku ku waramayaan waxaa hawada ka maqan Isgaarsiinta.

Ciidanka Kenya ayaa horay u gubay una baabi’yay xarumo isgaarsiineed oo ay kamid yihiin Khadiijo Xaaji, Dhegalaab, iyo Tafey oo hoos tagta Gobolka Gedo.

Ilaa hadda dhibaatada baahsan ee ciidamada Kenya ku hayaan deegamada xuduudka, burubrinta ganacsisa iwm, kama ayna hadal dawladda Soomaliya ee Federaalka ahi, iyo dawlad goboleedka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.