Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Xaaf Oo Shaaciyey in Cadaado Tahay Xarunta Baarlamaanka Galmudug

0
39

Cadaado (Tayosame News) Madaxweynaha Somaliya iyo madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay in Magaalada Cadaado ay tahay xarunta Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Arintan ayaa lagu xalinayaa tabasho maalmahan dambe ay jeedinayeen Odayaasha reer Cadaado oo ku saluugsanaa hanaanka Maamulka uu uga guurayo Magaalada Cadaado.

Waxaa lasoo sheegayaa in markii ay arrintaasi ku dhowaaqeen mas’uuliyiintan ay sidoo kale weydiiyeen waxgaradka in go’aankan ay ku qanacsan yihiin iyo in kale, waxaana waxgaradka ay sheegeen in hadda ay qanacsan yihiin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale wuxuu dhagax dhigay dib u dhiska garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi, waxaana sidoo kale uu kulan la qaatay waxgaradka ku sugan Cadaado.

Wafdiga madaxweynaha uu hoggaaminayo ayaa intaasi kadib u duulay dhanka degmada Hobyo ee gobolka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.