Kenya (Tayosame News) Injineerro ka socda jaamacadda Nairobi ee dalka Kenya ayaa dhisay dayax gacmeedkii ugu horreeyay oo muddo laba bilood gudahood ah xadhiga laga jari doono.
Dayax gacmeedkani oo dhan 10 cm ayaa lagu magacaabaa Dayax gacmeedka Nano.Dowladda Japan ayaa bixisay dhaqaalaha lagu dhisay Dayax gacmeedkani, iyadoo ugu deeqday lacag dhan 1 milyan oo dollar balse waxaa qaabaynta iyo dhisada iska leh dad Kenyan ah.
Waxaa Dayax gacmeedkani loo isticmaali doonaa in lagu indha-indheeyo kobaca beeraha iyo la socodka xeebaha dalka Kenya.
Dayax gacmeedkani ayaa bisha March ee soo socota loo diri doonaa hawada sare, iyadoo arrintani ay Kenya ka dhigaysaa dalkii qaarada Afrika ee Dayax gacmeed uu sameystay hawada sare u diray.