Afhayeenka Maamulka Baandir Oo Xabsi Guri Lagu Soo Rogay iyo Sababta

0
65

Muqdisho (Tayosamme News) Afhayeenkii maamulka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa lagu soo rogay xabsi guri, kadib markii lagu eedeeyay in uu Warbaahinta ka aqriyay Warsaxaafadeed qal qal abuurayay.

Sida aan Wararku sheegayaan Taliska ciidanka Nabad sugida gobolka Banaadir ayaa galiyay afhayeenka xabsi guri, waxaana lagu amray Xalane in uusan kasoo bixi karin gurigiisa sida laga soo xigtay.

Afhayeenka ayaa loo haysataa Qoraalkii uu Warbaahinta u aqriyay markii xarunta maamulka gobolka Banaadir la sheegay in mudo labo sano ah lagu doortay Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed.

Warar soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in dabagal lagu hayo Gudoomiyaashii iyo masuuliyiintii kale ee ka qeyb galay doorashadii sharci darada aheyd ee dhawaan lagu qabtay xarunta Dowlada Hoose.

Qaar badan oo kamid ah Gudoomiyaashii degmooyinka gobolka Banaadir ayaa hada wadnaha farta ku haya, waxa ayna ahaayeen badankood kuwa aad ugu dhawaa una taageersanaa Duqii hore ee Muqdisho Taabit.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.