Somaliya Oo Lasoo Degtay Hub Culus iyo Qaramada Midoobay Oo Ka Digtay Dagaal Dhexmara Somaliland iyo Somalia

0
684

Somalia (Tayosame News) Dawladda Soomaaliya ayaa lasoo degtay Hub Culus,waxaana shalay soo gaadhay Markab sida saanad Milatari oo kala duwan kaasi oo ku soo xidhay Dekeda dabiiciga ah ee Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha hoose ee Wadankaasi Soomaaliya,Waxaanu ku soo aadayaa wakhti Colaad dagaal ka dhex aloosan tahay Somaliland Iyo Soomaaliya.

Markabkan oo ah mid aad u weyn oo ay saaran yihiin koontiinaro laga soo buuxiyey gaadiidka Dagaalka iyo Hub culus oo aad u badan ayaa Shalay laga dejiyay dekeda magaalada Baraawe ee dalkaasi Soomaaliya, Waxaana soo dhaweeyay oo goobta laga dejiyay ku sugnaa Masuuliyiin sare oo ka Tirsan Xukuumadda Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Saraakiil Ciidan oo iskugu jira kuwa Soomaaliya iyo saraakiil ka socday Ciidamada nabad illaalinta dalka Soomaaliya u jooga ee AMISOM,kuwaasi oo si wada jir ah u soo dhaweeyay saanadaasi milatari ee markabkaasi siday.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose ee Dalkaasi Soomaaliya oo lagu magacaabo Ibraahim Cali Aadan (Najax) oo goobtaasi hubka laga dejiyay ee degmada Baraawe iyo Hubka Markabku siday ka hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay hubkaasi waxaana uu yidhi “Markab sida saadka ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Walaalaha AMISOM ayaa ku soo xidhay Baraawe Waxaana suura geliyay Nabada Baraawe kajirta”. Ayuu yidhi,laakiin Masuulkani Hadalkiiisa kumuu cadaynin halka uu Markabkani Hubka ka keenay iyo dalka uu ka soo raray ee hubkaasi u soo diray Soomaaliya iyadoo Soomaaliya cuna qaybtayn laga saaray Dhinaca Hubka oo aan illa hadda loo ogolayn inay Wax hub ah lasoo degaan.

Markabkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee hubsida ee ay Soomaaliya la soo degto tan iyo marii cuna qaybtanta dhinaca hubka la saaray,Waxaanay Dekedan Magaalada Baraawe ee hubkani laga dejiyay ay hadda fadhiisin u tahay Ciidamo ka tiran kuwa Soomaaliya iyo Ciidamo ka tirsan kuwa nabad ilaalinta u jooga dalkaasi ee Amisom,tan iyo intii ay ka baxeen Deegaankaasi xoogagii Al-shabaab ee ay mudada dheer xarunta u ahayd ee ay Maamulayeen.

Waxa uu Markabkan Hubka Sidaa ku soo beegmayaa wakhti saansaan Dagaal ka dhex aloosan yahay Somaliland iyo Soomaaliya,gaar ahaan Deegaanka Tukoraq ee dhinaca Xuduuda u dhexaysa labada Dalka oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Somaliland iyo Kuwa ka tirsan Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland,kaasi oo ka bilaabay kadib markii uu Madaxweyne Farmaajo dhawaan isku dayay inuu booqasho ku yimaado deegaamo ka tiran gudaha Xuduudda Somaliland arintaasi oo keentay inay Hore u ruqaansadaan Ciidamada Qaranka Somaliland waxaanad moodaa inuu Madaxweyne Farmaajo ku jiro diyaar garaw dagaal uu doonayo inuu ku soo qaado Ciidamada jiida hore ee Somaliland oo kulaalaya magaalada Xarunta u ah Maamulka Puntland ee Garowe.

Dhinaca kale,Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mickeal Keating ayaa Warbixintii uu Khamiistii dhawayd ka hor akhriyay Fadhigii Golaha Amaanka waxa uu walaac ka muujiyay dagaal uu sheegay inuu dhawaan ka dhex qarxi doono Somaliland iyo Soomaaliya gaar ahaan Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ee ay Xuduuda wadaagaan Somaliland,Waxaana uu sheegay inuu laba dhinac u soo jeediyay inay ciidamada kala rartaan balse waxa uu sheegay inaanay taasi waxba kasoo naaso cadayn ee ay keli ah muuqato saansaan dagaal iyo labada dhinaca oo isku hub urursanaya. Waxa muuqata in dalal shisheeye hub weyn ku soo daabulayaan dawladda Xamar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.