Cali Guray Oo Ku Eedeeyey Ergayga Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Inuu La Safanayo Somaliya

0
36

Hargeisa (Tayosame News) Xisbiga KULMIYE Oo Ergayga Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya Ku Eedeeyey In Uu Si Rasmi Ah Ula Safan Yahay Maamulka Muqdisho, Somalilandna Ka Xaglinayo. Warbixintii Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating Uu toddobaadkan ka jeediyey Fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaranmada Midoobay magaalada New York waxa uu si eexasho weyni ka muuqato uga hadlay xaaladda dhabta ah ee Deegaanka Tukaraq oo uu uga hadlay si aan ka turjumayn xaaladda dhabta ah ee xiisadda ka dhalatay markii ciidamada Somaliland ay qaadeen tallaabooyin ah ku sugayaan dhinaca xuduudda ay la wadaagaan Soomaaliya.

Danjire Keating waxa uu sheegay in uu madaxda Somaliland iyo kuwa Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland kala hadlay in ay degdeg u joojiyaan xiisadda colaadeed ee ka taagan deegaanada ay ciidamadoodu isku hor fadhiyaan waxaanu sheegay in uu ku war geliyey in ay ciidamada kala qaataan oo dagaalka koojiyaan qolo walibana ay ciidankeeda dib u qaadato isaga oo sheegay in dagaal halkaasi ka dhici doono maalmaha soo socda.

“Xaaladda ciidamada isku for fadhiya Gobolka Sool waxa ay maalmaha soo socda isku baddali doontaa dagaal culus oo labada dhinac dhex mara oo keeni kara cawaaqib xumo culus oo mandaqadda ka dhalata. Waxa aannu hogaamiyayaasha labada dhinac ee Somaliland iyo Puntland ku baraarujinay in la joojiyo dagaalka. In ay ciidamada kala baxaan meelaha la isku hor fadhiyo iyo in ay furaan wada hadal dhammays tiran oo xal lagu gaadho” ayuu warbixintiisa ku yidhi Danjiraha Qaramada Midoobay u soo diratay wadalka Soomaaliya waxaana layaab noqotay in aanu warbiixntiisa door ka siin doorashadii guusha ku dhammaaatay ee Somaliland halka uu aad u buunbuuniyey maamulka Muqdisho iyo hawlgalkooda.

Dhinaca kale Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka mid ah xisbiga KULMIYE ayaa sheegay in Daniraha Qaramada Midoobay Keating uu yahay nin badheedh ah oo la safan Maamulka Muqdisho. Cali Guray oo daba socda khudbadda Keating ka jeediyey New York ayaa waxa uu qoraal kooban oo uu ku baahiyey Facebooggiisa waxa uu ku yidhi: “Warbixintii uu Golaha Amaanka ka jeediyay ergaygan u qaabilsan Somalia Qaramada Midoobay waxay ahayd mid aan ka tarjumayn xaqiiqada siiba markii uu ka hadlayay xiisadda Tukeraq oo uu u nisbeeyay doorashadii madaxtooyada ee Somaliland waxaanu farta ku goday dawlado gaar ah markii uu lahaa isaga oo ka hadlayay doorashada (doorashadaas oo kuwa halkan fadhiya qaarkood ay taageerayeen).

Wuxuu saadaaliyay dagaal dhex mari doona Somaliland iyo Puntland maaalmaha soo socda. Ergayga warkiisu wuxuu ahaa “nin leh baa u doobayay” oo way muuqatay inu dhinac ahaa oo isagu taageersanaa ee haddii uu Somalia u qaabilsan yahay Qaramada Midoobay Somaliland-na yaa u qaabilsan tolow? Dee cidna laakiin warbaahinta Somaliland baa jecel inay ku shaagto ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia iyo Somaliland waana qalad ee wuxuu u qaabilsan yahay Somalia haddii aynaan runta is-diidsiinayn waanu u yidhi intii uu u odhan karayay Somalia ee been ahayd isaga oo guushii doorashadii Somaliland ee cid waliba ay qirtay dafirsan laakiin aan sacabkiisa cadceedda ku qarin Karin”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.