Weerar Lagu Qaaday Jaamacada Ciidamada Ee Kabul iyo Askar Lagu Dilay Weerarkaasi

0
21

Afghanistan (Tayosame News) Dabley hubeysan ayaa weerar ku qaaday Jaamacadda Gaashaandhigga Qaran ee Sareeye Gaas Fahim ee caasimada Kaabul wadanka Afghanistan.

Inta la xaqiijiyay 2 Askari ayaa ku dhimatay 10 kalena oo ay ku dhaawacmeen Weerar ay kooxo hubeysan ay ku qaadeen Jaamacadda Gaashaandhigga Qaran ee Sarreeye Gaas Fahim Magaalada Kaabul ee Caasimadda dalka Afghanistan.

Afhayeenka Madaxtooyadda Afghanistan ayaa xaqiijiyay in weerarka la soo afjaray islamarkaana la toogtay Afar ka mid ah Kooxdii weerarka soo qaaday, midna gacanta lagu dhigay.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ciidamada Ammaanka ay ka hortageen in ay gudaha Jaamacadda ay galaan Kooxdaasi. Hase yeeshee weerarkan ayaa waxaa ku dhintey labo askari oo ka mid ahayd ciidamadii ilaalada ka haysay jaamacadda.

Ururka la baxay dowladda Islaamiga ah iyo Taalibaan ayaa sheegtay in ay ka dambeeyeen Weerarkaasi.

Weerrarkan ayaa imanaya maalmo yar kaddib markii magaaladaasi uu ka dhacay ismiidaamintii ugu dhimashada badneyd ee muddo bilo ah ka dhacda magaalada Kabul markaas oo gaari nooca gurmadka degdega ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu dilay ugu yaraan 100 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.