Taliyaha Guud Ee Ciidamada Amisom Jen. Subagle Oo Xilka Ka Degaya iyo Sababta Xil Wareejintiisa

0
41

Somalia (Tayosame News) Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM Jen. Cusmaan Nuur Subagle ayaa la filayaa inuu dhowaan xilka wareejiyo, kaddib markii ay u dhamaatay mudada xil heyntiisa ee Hoggaanka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.

Jen. Subagle oo u dhashay dalka Jabuuti ayaa xilka loo magacaabay July sanadkii 2016, waxaana uu xilligaas bedelay Jen, Jonathan Rono oo u dhashay dalka Kenya.

Howlgalka Midowga Afrika ayaa la filayaa in dhowaan Taliye cusub soo magacaabaan, kaasoo ka imaanaya mid ka mid ah dalalka Ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Jen. Subagle ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Qaranka ee somaliya waxaa uu ku sheegay inay socoto howsha xil wareejinta, isla markaana dhowaan uu xilka ku wareejin doono Taliye cusub.

Waxaa uu sheegay inuu rajo weyn ka qabay, in isagoo hayay xilka Taliska AMISOM in Al-Shabaab laga saaro Soomaaliya oo dhan, balse aanay suurta gelin.

Jen. Subagle ayaa sheegay in AMISOM aysan aheyn ciidan wax walba qaban kara oo ka awood badan Ciidamada Soomaaliya, waxaa uu xusay in loo baahan yahay in ciidamada xoogga dalka ay is muujiyaan oo aanay kaliya ku tashan AMISOM.

Xilka Hoggaanka Ciidamada AMISOM ayaa ah meerto ama wareeg dalalka Ciidamada ka jooga Soomaaliya inay taliye u soo diraan, waxaana markii uu waqtigiisa dhamaaday Jen. Jonathan Rono la filayay in Itoobiya ay Taliye cusub soo magacawday, hase ahaatee uu arrintaas ka dhashay khilaaf, taasoo markii dambe keentay in Taliye u dhashay dalka Jabuuti loo magacaabo xilka Taliyaha Guud ee AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.