Shirar Madax-dhaqameedka Beelaha Harti, Gadabuursi & Garxajis Uga Socday Hargeysa Oo La Soo Gabogebeeyay.

0
36

Hargeisa (Tayosame News) Sida Ilo xogogaal ahi u sheegayaan waxaa maalmihii u danbeeyay magaalada Hargeysa laga dareemay Shirar & Kulamo u socday Madax-dhaqameedka Beelaha Harti,Garxajis & Gadabuursi oo fadhiyo gaar gaar ah, gooni gooni ah ku lahaa caasimada hargeisa.

Sida wararka ku dhaw dhaw shirkaasi xaqiijinayaan, waxa aad loo ilaaliyay xogta shirka si  aanay  xoggaha Kulamada & shirarka dhinacyada  dhaqanka ee  Beelahaas aan kor ku xusnay u socday Warbaahinta u gelin ama debeda ugu bixin ayaa aad loo xadiday Galaangalka Saxaafada Goobahay ku shirayeen taas la ajligeedna ay adkaatey in la helo Ajeendaha Shirka,Natiijada & Go’aamada ka soo baxay .

Kulankii ugu danbeeyay ama lagu soo gebagebeeyay oo isagu jiray Hadhimo & Fadhi qaatey waqti dheer ayaa Xogguhu sheegeen inuu ahaa mid ay Madax-dhaqameedka sadexdaa beelood isu-dhamaayeen, Axwashii & Maxsuulkii ugu danbeeyayna lagu kala qaatey.

Waxaana la filaaya inay saaka ka anbabaxaan ergadii shirkaas hordhaca Ah ka  qaybgashay qaybihii gobolada ka yimi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.