Hargeisa (Tayosame News) Shalay Siilaanyo waxaad kula yaabanayd inuu magacaabay Wiil uu Sodog u yahay oo inan ka qaba. Waxaad magacawday adigu adoo aan laba bilood joogin Inabtigaa eedada rumi dhashay, Mustafe Maxamuud Xaji Cabsiiye Xoghayaha Dawladda Hoose ee Gabilay. Labaduba waa muwadiniin lakiin adaa Shalay la yaabana ta Baashe Cawil .
Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada ( Wasaaradda Madaxtooyada )
Xoghayaha Madaxweyanaha
Madaxa Maaliyada
Darawalka Gaadhiga kuwada ilaa ka kaafura, kuwa kula taliya, Taliyayaasha ku ilaaliya. Adna waxaad ka qaylin jirtay Xirsi Cali Xaji Xasan iyo Maxamuud Xaashi .
Labada bilood waxaan gaadhin waxaad magacawday oo beeshada siisay xilalkii ugu badnaa wixii aad soo saartay, waliba adigoo geeyay meel kasta oo dakhli ka soo bixi karo.
Habar Awal
1- Wasiirka Arrimaha Dibada
2- wasiirka gaadiidka iyo waddoyinka
3- Wasiirka isgaadhsiinta
4- Wasiirka warfaafinta
5- wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha
6- Maareeyaha hay’adaha duulista (Wasaaradda Duulista Hawada)
7- Agaasimaha Madaxtooyada
8- Hantidhawaraha Guud
9- Agaasimaha Guud ee wasaarada Caafimaadka
10- Agaasimaha Guud ee wasaarada maalgashiga
11- Maareeyaha hay’ada WFO iyo kaydka qaranka iyo Hay’ada Ka hortaga aafooyinka dabiiciga
12-Badhasaabka Gobolka Saraar
13- Badhasaabka Gobolka Gabiley.
14-Badhasaabka Gobolka Salal.
Sidaana waxay beeshadu ku noqotay ta ugu magacaabista badan wixii waraaqo ka soo baxay ,adigoo uga buriyay dhammaan Beelihii kale ee Somaliland, waxay waliba hore u haysteen intaas in kabadan oo ay kamid yihiin .
1- Taliyaha Guud ee Ciidamadda Qaranka
2- Guddoomihaha Maxkamada Sare ee Qaranka .
3- Maareeyaha Dekedaha Qaranka
4-Mareeyaha Tv-ga Qaranka
5- Mareeyaha Sekeda Qaranka
6- Taliyayaasha Iyo Hoggaanada Qaranka .
7- Maayarka Caasimada Qaranka .
8- Madaxda ururada Bulshada Qaranka .
9-Taliyaha Guud ee Ciidamadda Dabdamiska Qaranka
10- Garyaqaanka Guud ee Qaranka .
11- Taliye ku-xigeenka Ciidamadda Booliska Qaran.
12- Maareeyaha Wakaalada Biyaha Qaranka.
13- Madaxyada lacagaha iyo maamulka ee badi Wasaaradaha Qaranka Maaliyada oo Wasiirka cusbi isku miidaamiyay mooyane.
Tollow Marka Qaranku Madaxweyne ma qoyskaaga?? Adaa ka jawaabin .
Waxaad sidaa si lamid ah dhaliili jirtay afar Wasiir oo Habarjeclo ah oo aan dhicin mid is casilay mooyane. Sax aniguba dhaliisha waan kula qabay lakiin tallow taad hadda samaysay Marfash hadal haya Iyo Wargays qoraaya maaan arkine ma iska caadiba. ?. Haa waa caadi waayo rer Hargaysa waa saxiib ee isku qolo maha sida Bariga . Oo hadda maxay Doorashadii ilaa kuwii dhintay meesha inoo qabta ugu codeeyeen? Mooyi waa mar marka qaar.
Madaxweyne 45 casho ayaad joogta wax aan qaraabo kiil ahayn Ilaa hadda kama hayno, adigoo og in shaqaalaha Dawladda 25-kii sanno ay rerkaagu ugu badsadeen ayaad wada eriday intii ku meel gaadhka ahayd, 20-sanno ayay xaafadaadu shaqaalaha rasmi inay noqdaan isu qoraayeen dadka kale markaa goormay kusoo gaadhayaan?
Wasaaradda Warbaahinta, Adigoo og in Maareeyaha TV Qaranku qoyskaaga yahay, adigoo og in maareeyaha Ilaacaddu qoyskaaga yahay, adigoo og in Guddoomiyaha DAWAN Media Group inoo qoyskaaga yahay , adigoo og in shaqaalaha ka hawlgala in 500 qoyskaaga tahay ayaad Wasiirkii Warfaafintana tidhi xaafadayda dhaafi maaayo, marka ma Wasaarad Qaranba mise waa Wasaaradda Muuse Biixi Qoyskiisa.Ummadda amma wax u qaybi amma ciyaarta nagadaa Madaxweyne dibaad u soco naysaaye.
W/Q:- Muniir Axmed Cigaal