Khasaare Balaadhan Oo Ka Dhashay Shil Tareen Oo Ka Dhacay Mareykanka

0
19

New-york (Tayosame News) Tareen ay saarnaayeen 147 qof ayaa waxa ay isku dhaceen tareen kale oo nooca allaabaha qaada ah gobolka South Carolina ee dalka Mareykanka.

Shilka tareen ayaa wararka horudhaca ah waxa ay sheegayaan inay ku dhinteen ugu yaraan labbo qof sida ay sheegeen booliska gobolkaasi. In ka badan 70 qof ayaa sidoo kale ku dhaawacmay shilkaan tareen.

Tareenka Amtak ayaa la sheegay inuu ka howlgalo inta u dhaxeyso magaalada New York iyo Miami.

Shilkaan tareen ayaan imaanaya kaddib afar maalmood, markii nin ka xeynayay gaari nooca xamuulka ah la dilay xili gaarigiisa ay isku dhaceen tareen kale oo siday xildhibaano kasoo jeeda gobolka Virginia.

Waaxda deegaanka ee gobolkan ayaa xaqiijisay dadka ku dhintay shilkaan, kaasi oo ka dhacay arroornimadii Axadii magaalada Cayce, ee nawaaxiga caasimadda Columbia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.