Xoghayihii Hore Ee Dowlada Hoose Eedo Musuqmaasuq Ku Hurgufay Maayarka Caasimada

0
109

Hargeisa (Tayosame News) Xoghayihii dawladda hoose ee Hargeysa Cali Xasan Cawaale ayaa mar kale soo faqay musuqmaasuq uu sheegay in aanay dawladda hoose la sii tallaabsan Karin haddii aan wax laga qaban. Waxa uu sheegay in ay jiraan niman awoodaha xoghayaha yeeshay iyo qalab dawladda hoose leedahay oo si gaar ah loogu shaqaysto laakiin, wixii gelaya kharash laga qaado dawladda hoose.

“Xoghayaha cusub waxaan u sheegaya in ay jiraan xoghayeyaal kale oo saxeex iyo awood leh oo aan haddana ka tirsanayn shaqaalaha dawladda hoose, raggaasi waxay soo saxeexan lacagta ugu badan oo aanu saxeexinba xoghayuhu, lacag gaadhaysa bishii saddex boqol iyo konton kun oo dollar($350,000) ayay soo saxeexan rag aan xoghaye ahayn oo aan shaqaalaha dawladda hoose ahayn oo aad arki doonta xoghaye oo kaa hor iman doona. Waxa jira rag kale oo saxeexa magaca xoghayaha shaabadiisana ku dhufta oo meesha fadhiya agaasimaha maamulkana ka mid ah,” Sidaas ayuu yidhi Xoghayihii hore .oo sheegay in sharciyan cidda kaliya ee bixin karta kharash tahay xoghayaha dawladda hoose iyo Maayarku.

“Waxa jira qalab dawladda hoose leedahay oo yaalla Buurta kala jeexan, qalabkaas anigu wali ma bookhan waayo waxbaan saluugay, qalabkaasi waa mid si gaar ah loogu shaqaysto; waxaad aragteen in suuqa kaalmo badan lagu dhigo, in suuqa dad wax badan loogu hagaajiyo, lacagta ka soo baxda ma timaaddo dawladda hoose mana soo gasho, lacagta ugu badan ee dawladda hoosena qalabkaas iyo dadka ku shaqeeya ayay gashaa,” Sidaas ayuu yidhi Cali Xasan Cawaale oo intaas raaciyay in dawladda hoose bixiso kharashka shaqaalaha qalabka, shidaalka, dayactirka, daamurka laakiin, kharashka dadka loogu shaqeeyo iyo kuwa ay waddooyinka ku daraan ku dhacaan jeeb gaar ah.

Xoghayuhu wuxuu sheegay in ay suuro gali wayday in uu ogaado hantida ma guurtada ah ee dawladda hoose sida guryo uu sheegay in ay yihiin suuqyo oo mulkiyado loo samaystay ama cid gaar ah la siiyay taas oo suuro galin wayday in dawladda hoose ka qaadato kiro guryaheeda. Waxa uu sheegay in gaadiid dawladda hoose leedahay dad gaar ah ay ku maqan tahay, sidoo kale dhulka danta guud ee laga jaro muwaadiniinta si gaar ah loogu tagri falo arrimahaasna yihiin kuwa xudunta u noqday khilaafka isaga iyo Maayarka maaddaama sida uu sheegayo aanu maayarku ogolayn in arrimahaas jidka toosan lagu soo celiyo.

Xoghayaha hore waxa uu sheegay in wasaaradda arrimaha guduhu waxba ka qaban wayday dacwadaha uu u gudbinayay ee ku saabsan in arrimahan wax laga qabto. Waxa uu sheegay in arrimahaasi kalifeen in uu saxaafadda ka hadlo iyada oo shaqaaluhu xataa bilaa mushahar noqday, islamarkaana hadda la wada siiyay shaqaalaha mushaharkoodii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.